5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaaciysay iney si buuxda ula wareegtay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud
 

Sabti, April, 15, 2023 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka iney saakay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood oo goordhaw shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay la wareegeen deegaanka Budbud oo uu tilmaamay inuu yahay deegaan muhiim ah.

“Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu saakay si buuxda ula wareegay deegaanka Budbud, oo ah deegaan ay degan yihiin dad badan oo u dhiganta degmo maanta waxay gacanta ugu jirtaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdullaahi Cali Caanood.

Afhayeen Caanood ayaa sheegay in la wareegista deegaanka Budbud uu imaanayo, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen saacadahii lasoo dhaafay deegaanada kala ah Ceel Biyoodyo Ceel Axmed, Cali Xasan, Ceel saban sablaale iyo Boob oo ah dhamaantood deegaano ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

La wareegista ciidamada dowladda ee deegaanadaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa, iyadoo qaar ka mid ah gobolada dalka ay ka bilaawdeen wajiga labaad ee dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasoo ay hormuud ka yihiin ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka, islamarkaana la filayo iney kusoo biiri doonaan ciidamo ka kala yimid dowladaha dariska la’ah Soomaaliya.