5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 14, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Ethoipia oo uu uga qeyb galayo shir saddex geesood ah

Jimco, April, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb gelaya shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Shirkan ayaa la sheegay inay hoggaamiyeyaasha saddexda dal ay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni iyo gorfeynta xal u helidda caqabadaha ay wajahayaan dalalkan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inay soo bandhigi doonaan aragtida Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Sidoo kale dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.