5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 14, 2023
Xil. Axmed Khaliif: Xukuumadeena waxad moodaa in ay xalkaba ay rasaas ka taqaano
 

Jimco, April, 14, 2023 (HOL) - Xildhibaan Axmed Khaliif oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay leedahay qaladka sababay in dagaal ka dhaco magaalada Laascaanood.

Khaliif oo laga soo doorto gobolka Sool, oo marti ku ahaa barnaamijka Fagaaraha Su'aalaha, ee muuqbaahiyaha MMTV, ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay rasaas la dhacday shacabkii reer Laascaanood ee ka gadooday dilalka soo noqnoqday.

"Xukuumadeena waxad moodaa in ay xalkaba ay rasaas ka taqaano, waad arkaysay wiilal yar yar oo 18, 19 iyo 20 jir ah wixii lala dhacayay, maaha rasaas yar iyo qori yar iyo bastoolad, waa dhishiike weeyi, halkii ahayd in loo tago oo la yidha waxan yaa sababay" ayuu yidhi Khaliif.

Waxa uu sheegay in qaladka labad ee ay xukuumadu samaysay uu aha in ay soo dayso garaadada deegaanka oo badankoodu aan gobolka iman mudo, mucaaradna ahaa "Qaladkii ugu waynayd ee la galay ayay ahayd in lasoo daayo garaadada oo nin waliba 300 oo askari wato" ayuu yidhi Khaliif.

Waxa kale, oo uu sheegay in xukuumadu ay ku guuldaraysatay in ay fahanto in shirka garaadadu uu ahaa mid Somaliland lagu hagardaamaynayo, iyo in intii uu shirku socday magaalada hub lasoo galiyay oo ay xakamayn kari wayday.

Waxa uu tilmaamay in ay xaalada uga sii dartay kadib markii ciidamo beeleedkii ay xukuumadu soo fasaxday, ay ku tilmaantay in ay yihiin argagixiso, waxaanu sheegay in qaladka dagaalka ay xukuumadu leedahay.

Waxa uu sheegay in qalad laga galay dadka reer Laascaanood, oo xukuumadu anay fulin heshiisyadii saami qaybsiga, isla markaana waxa uu ku andacooday in aan lasiin adeegyadii asaasiga ahaa.