5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 14, 2023
Gen. Biixi: Ma dhicidoonto in Shabaab dambe uu weerar kusoo qaado goobaha la xoreeyay

Jimco, April, 14, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliya, Gen, Biixi, ayaa sheegay inay qaateen qorshe ay kaga hortagayaan in Shabaab mar kale soo weeraro xarumaha ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka.

Taliyaha ayaa sheegay inay qibrad iyo waayo aragnimo ka qaateen weeraradii ugu dambeeyay ee Alshabaab ka geysteen degaanada laga xoreeyay, kuwaas oo ay dowladdu ku weyday ciidamo badan iyo saraakiil laf dhabar u ahaa howlgallada dalka looga xoreynayo Alshabaab.

Gen. Biixi wuxuu sheegay in aad loo xoojiyay farriisimaha ciidamada, wuxuuna sheegay saldhig kaste inay dajiyeen ciidan aad u tiro badan oo iska caabin kara weerar kasta oo kaga yimaada kooxda Shabaab.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka dhulka ayaa sheegay inay Alshabaab inuu dhexdooda khilaaf weyn ka taagan yahay, kadib markii sida uu sheegayay isku qabteen inay is-dhiibaan ama ay dagaalamaan.

Taliyuhu wuxuu sheegay khilaafkas inuu sababay inuu dagaal dhexdooda inuu ka qarxo, kaddib markii sida uu sheegay ay isku qabteen in aysan sii dagaalami karin.

Hadalka taliyaha ciidanka dhulka ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay bilaabeen wajigii labaad ee howlgalka dib u xoraynta dalka.