5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 14, 2023
Geerida Haweeney Soomaaliyeed oo ku dhimatay Hinidiya oo dhalisay su'aalo

Jimco, April, 14, 2023 (HOL) - Haweeney Soomaali ah oo da'deeda lagu sheegay 35 jir, ayaa meydkeeda laga helay suuliga gurigeeda oo ku yaal waqooyiga magaalada  Hyderabad, ee dalka India.

Ninkeeda oo lagu magacaabo Liibaan Cabdi Cali, ayaa walaac ka muujiyay markii ay ka jawaabi weyday garaaca albaabka u soo garaacay. Aakhirkii waxa uu xoog ku furay albaabkii oo laga soo xidhay gudaha.

Waxana uu la kulmay iyada oo dhaawac ah oo dhiig-baxaysa. Isla markiiba waxaa loo qaaday isbitaal gaar loo leeyahay, waxaana la sheegay in ay geeriyootay.

Lamaanahan ayaa 21 kii bishii March waxay Hyderabad u yimaadeen xaalad caafimaad iyagoo wata fiisaha caafimaadka, islamarkaana raadinaya bacriminta uurka.

Haweeneyda geeriyooday waxay daryeel ku qaadanaysay cisbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal Secunderabad oo ah xudunta ugu weyn ee caafimaadka ee Hindiya.

Booliska Banjara Hills ayaa kiiska u diiwaan galiyay inuu yahay geeri laga shakisan yahay sida uu dhigayo qeybta 174 ee xeerka ciqaabta Hindiya.

Maydka haweeneydan ayaa loo gudbiyay isbitaalka guud ee Osmania si baaritaan loogu sameeyo waxa sababay geerideeda.