5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 14, 2023
Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Tababar dalka Serbia ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxtooyadda Qaranka


Jimco, April, 14, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo Muddo Afar bilood ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Serbia Bratislav Gasić, Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Askarta Tababarka loo soo xiray ayaa tiro ahaan gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil,Saraakiil xigeeno, Dabley iyo Alifley, kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku saabsan Amniga iyo ilaaladda Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya, isla markaana Ciidankan ay ka qeyb qaadanayaan Sugidda Amniga Madaxda Qaranka.

Bratislav Gasić Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Tababarada Ciidanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya kuwaas si loo dhiso tayadda ilaalada gaarka ah ee madaxda Qaranka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir Taariikhi oo ku asteysan Danaha Labada Dal.