5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2023
Puntland oo shaacisay cidda ka dambeysay weerarkii lagu qaaday shirkadda Almacruuf ee magaalada Boosaaso

Khamiis, April, 13, 2023 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay weerarkii shantii bishaan ka dhacay magaalada Boosaaso ee lagu qaaday shirkadda Almacruuf, inay ka dambeeyeen kooxo argigxiso oo farriisin ku leh buuraleyda gobolka Bari.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire ayaa caddeeyay ujeeddada weerakan inuu ahaa cabsi galinta ganacsatada magaalada Boosaaso, si ay lacago baad u siiyaan wuxuu ugu yeeray argigixisada ku sugan Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay in la hayo xogo ku saabsan dadkii ka dambeeyay weerarkii shirkadda Almacruuf, weerarkaas oo lagu dilay labo katirsanaa shaqaalaha shirkadda, halka sidoo kalena la gubay dhammaan hantidii shirkadda taalay, kaddib markii Bombo gacmeedyo lagu qarxiyay xarunta.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay qaadayaan tallaabooyin is xigxiga oo looga jawaabayo hanjabaadda lagu hayo ganacstada gobolka Bari, kuwaas oo qaarkood ku dhow inay albaabada u laabaan xarumahooda ganacsi kaddib weerarkii lagu qaaday shirkadda Almacruuf ee magaalada Boosaaso.

Taliyuhu wuxuu digniin u diray shirkadaha xawaaladaha, bangiyada iyo kuwa isgaarsiinta, isagoo uga digay inay akoono u sameeyaan kooxaha doonaya inay lacago baad ah ka qaataan ganacsatada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Boosaaso waxaaa si qarsoodi ah ugu sugan kooxaha Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo la ogyahay inay lacago kusoo rogeen ganacsatada.

Qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga ayaa diiday inay u dhego nuglaadaan awaamiir uga timid kooxahan, sida uu HOL u sheegay sarkaal katirsan laamaha amniga, kaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.