5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2023
Somaliland oo sheegtay in Jeneral Morgan uu Laascaanood ka dagaalamayo

Khamiis, April, 13, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Jeneral Maxamed Siciid Xirsi Morgan, oo soo noqday wasiirka difaaca Soomaaliya xiligii dowladii kacaanka uu Laascaanood ka dagaalamayo.

Morgan oo ay Somaliland ku eedayso in uu danbiyo dagaal ka gaystay magaalada Hargeisa iyo nawaaxigeeda, intii uu socday dagaalkii dowladii kacaanka iyo ururkii SNM, ayuu Wasiirka Gaashaandhiga Somaaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye sheegay in uu Laascaanood yimid.

"Jeneral Morgan oo sidookale loo yaqaan 'Hiliblihii Hargaysa', wuxuu ahaa la taliyihii madaxweyne Farmaajo, iyo madaxweynaha Puntland, waa nin in ka badan 50,000 oo shacab ah Somaliland ku dilay, hadana wuxuu ka barbar dagaalamaya maleeshiyada Laascaanood iyo ciidanka Puntland" ayuu yidhi Caateeye.

Hadalkan oo uu wasiir Caateeye ku baahiyay bartiisa Twitterka ayaa imanaya kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay sawiro lagu sheegay in jeneraalku uu Laascaanood joogo, lakiin ma jiraan ilaa hada ilo madaxbannaan oo caddaynaya joogitaankiisa.

Saraakiil dhowra oo ay ku jiraan taliyayaashii hore ee bada iyo booliiska ee Soomaaliya ayaa hore usoo gaadhay Laascaanood, iyadoo taliyihii hore ee guutada afraad ee ciidamada Danab ee Soomaaliya isna uu dagaalka ku dhintay.