5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2023
Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo hadal ku duray Somaliland
 

Khamiis, April, 13, 2023 (HOL) - Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Fei Shengchao ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray hadal uu ku darayay Somaliland, kadib markii Somaliland ay faafisay war lagu cambaareynayay dowladda China.

Safiirku wuxuu wax lagu qoslo ku tilmaamay in meel aan xuduud lahayn in laga sameeyo xuduud. "Dadka wax-garadka ah ma sameeyaan soohdimo u dhexeeya guryahooda," ayuu safiirku ku yiri qoraal uu kusoo qoray Twitter-ka.

Hadalladan ay Somaliland iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya is-weydaarsadeen ayaa ku soo beegmaya xilli uu Shiinuhu dhoolatus ciidan ka wado meel aan ka fogayn biyaha gacanka Taiwan.

China ayaa laga cabsi qabaa inuu weeraro Taiwan, isagoo dhowr mar ku habjabay inuu gudaha u galidoono.

Somaliland iyo Taiwan oo xidhiidh oo ka dhexeeya, ayaa labaduba aaminsan inay ka go’een Soomaaliya iyo China, isla markaana ay yihiin dawlado madax-bannaan. Balse labaduba ma haystaan aqoonsi caalami ah.

Hadalka Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ahaa jawaabta war kasoo baxay Somaliland oo lagu sheegay, in Shiinuhu duullaan ku yahay dalka Taiwan oo xiriir laleh Somaliland.