5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2023
Xukuumadda soomaaliya oo qorshe u diyaarinaysa degaanada laga xoreeyay Alshabaab

Khamiis, April, 13, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada Alshabaab laga xoreeyey.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda ee xasillinta deegaannada la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono oo ay ugu horreeyaan gaarsiinta adeegyada dadweynaha ee amniga, iyo garsoorka.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo raysal Wasaare Xamse, ayaa sheegtay in qorshaha laga leeyahay arrintani ay tahay, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii la sheegay inay u geysteen kooxda Alshabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada cadowga laga saaray la gaarsiinayo hay'adihii dowliga ahaa.

kulanka ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta iyo iskaashiga wasaaradaha federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada iyo wixii ka qabsoomay 8dii bilood ee la soo dhoofay xasillinta goobihii horey looga xoreeyey Alshabaab.