5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2023
Somaliland oo Shiinaha weerar afka ah ku qaaday

Khamiis, April, 13, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa dalka Shiinaha ku eedaysay in uu xad gudub ku hayo xuduudaha iyo jiritaanka Taiwan.

Qoraal lagu baahiyay barta Twitterka ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Shiinuhu uu dhibaato ku hayo xuduudaha Taiwan, isla markaana ay Somaliland la jirto Taiwan.

"Xuduudaha qaran ee jira ee waddan waa in la ixtiraamo lagana ilaaliyo in argagixisadu ku soo duusho ama khatar dibadeed, laakiin dhibaatooyinka Shiinaha run ahaantii waxay jabinayaan maqaamkii Taiwan, Somaliland waxay garabtagantahay Taiwan, waxayna la midaysantahay cida ay dimuquraadiyadda wadaagaan".

Somaliland iyo Taiwan oo labadooduba aan aqoonsi caalami ah haysan, ayaa xidhiidh dibulumaasiyadeed oo ka cadhaysiiyay Shiinaha iyo Soomaaliya yeeshay sannadkii 2020, taasi oo xumaysay xidhiidhka Somaliland iyo Shiinaha.

Xukuumada Somaliland iyo Shiinaha ayaa kadib xidhiihdka Taiwan dhowr jeer is waydaarsaday hadalo taag taagan, kadib markii uu madaxweyne Biixi diiday dalab uga yimid Beijing oo muhiimadiisu ahayd in Somaliland xidhiidhka u jarto jasiirada Taiwan.

Shiinaha ayaa Taiwan u arka qayb dhulkiisa kamid ah oo aan laga jari karin, wuxuuna colaad u qaada cidkasta oo xidhiidh la samaysata, ama soo dhawaysata oo Maraykanku ku jiro.

Waxa laga cabsi qaba Shiinuhu uu isku dayo in uu jasiiradan hodan ka ah awood ku muquuniyo, inkasta oo khuburada siyaasadu sheegaan in Shiinuhu aanu dagaal ku degdegi doonin kadib cawaaqib xumada ka dhalatay dagaalka Yukrayn.