5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 1 , 2023
Millateriga Somaliland oo sheegay in uu guul ka gaadhay dagaalkii maanta ee Laascaanood

Sabti, April, 1, 2023 (HOL) - Taliyaha Aaga Bariga ee Millateriga Somaliland Cali Barre, ayaa sheegay in ciidamada millaterigu ay guul ka gaadheen dagaalkii maanta, oo ay qabsadeen maxaabiis iyo baabuur.

Taliyaha ayaa sheegay in ay qabsadeen in ka badan 10 maxbuus oo uu ju jiro xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar, oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Puntland.

"Maxabiista aan ka qabanay waxay dhantahay 13 oo uu ku jiro nin xildhibaan ah oo ka tirsan ciidamada Puntland, oo ahaa ninkii ku hadaaqayay Burco ayaynu qabsanaynaa" ayuu yidhi Barre.

Barre waxa uu sheegay in ay sidookale qabsadeen 7 baabuur oo iskugu jira baabuur dagaal iyo baabuur siday saadka ciidamada.

"Gaadiidka laga qabsaday waa 3 gaadhi oo dhishiike ah, iyo hal gaadhi oo ah sikaawe, iyo hal gaadhi oo jiib ah, waxa kale oo inta weheliya gaadhi waaraada oo markii hore laga qabsaday qaybta 7aad, gaadhi rasaas u siday oo Nooho ah" ayuu yidhi Barre.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ay ciidankooda dagaalka saaka lagu soo qaaday, isla markaana ay xoogaga Laascaanood kula dagaalamaya weerareen saad ciidan oo millateriga uga soo dagayay madaarka Laascaanood, isla markaana ay jabiyeen.