5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 1 , 2023
Afhayeenka Guddida 33-ka oo warbixiyay dagaalkii maanta ee Laascaanood

Sabti, April, 1, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33-ka Cabdirisaaq Maxamed Xasan Fallaalug, ayaa sheegay in ciidamada deegaanka Laascaanood ay dagaalka maanta guul ka gaadheen.

Fallaalug ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay ka dhabaysay dagaalkii ay balan qaaday, isla markaana ay 3 jiho magaalada weerar kaga soo qaaday.

"Dagaalkii ay soo qaadeen ee millateri ayay saakana soo qaadeen, dhanka bari, dhanka galbeed iyo dhanka waqooyiba way kasoo galeen, lakiin nasiib wanaag meel ala meeshii ay soo taabteenba waa lagu jabiyay" ayuu yidhi Fallaalug.

Waxa uu sheegay in ay 100 askari ka dileen ciidamada Somaliland, 100 kalena ka dhaawacmeen, isaga oo sheegay in dhinac walba khasaare soo gaadhay, waxa uu Somaliland ku eedeeyay in ay diiday in ay soo fadhiisato miiska wadahadalka.

Waxa uu xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay tahay argagixiso sharciyaysan, oo caalamkii iyo Soomaalidiiba waxba ka qaban wayday, waxa uu sheegay in Somaliland anay horumar ka samayn dagaalkii maanta.

Somaliland ayaa dhankeeda soo bandhigtay baabuur dagaal iyo maxaabiis ay ku qabatay dagaalka Laascaanood, oo maantaa saacado badan socday.

Waxa kale oo ay dhankeeda sheegtay in garaadadu ay diideen wadahadal iyo dhexdhexaadin, isla markaana ay difaacayso madaxbannaanida dhulkeeda.