5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 1 , 2023
SSC oo guulo ka sheegatay dagaalada saakay ka dhacay magaalada Laascaanood

Sabti, April, 1, 2023 (HOL) - Dagaallo culus ayaa saakay ka dhacay magaalada Laascaanood, gaar ahaan jihooyinka waqooyiga iyo galbeedka.

Dagaalka ayaa markii dambe u wareegay dhinac galbeedka iyo bariga Laascaanood, sida aan kasoo xiganay saraakiil ciidan oo ka madax bannaan dhinacyada dagaalamaya.

Masuuliyiin u hadlay SSC ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay saakay saddex jiho kasoo weerareen magaalada Laascaanood.

Abshir Cabdicasiis oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Aayo katalinta SSC, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in iska caabiyeen dagaalka ay Somaliland kusoo qaadday magaalada Laascaanood.

Wuxuu sheegay inay gaadiid dagaal ka gubeen Somaliland, sidoo kalena uu jiro khasare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wuxuu sheegay in dagaalku weli ka socdo meel 4km dhinaca bariga uga beegan magaalada Laascaanood.

Hadalka SSC ayaa kusoo aaday, iyadoo Somaliland ay sheegtay in dagaalka saakay dhacay ay ku qabteen maxaabiis uu kamid yahay xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland, oo lagu magacaabo Faarax Dalmar.