4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2022
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirweynaha caalamiga ah ee duulimaadyada Afrika


Arbaco, September, 14, 2022 (HOL) - Wafdi ay hoggaaminaysay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Raydka ee dowladda federalka Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal, ayaa qeyb gashay shirweynihii  caalamiga ah ee lixaad duulimaadyada Afrika (Aviation Afirca 2022) oo dhacay magaalada Kigali, caasimadda Rwanda.

Shir-weynahan ayaa waddamada ka qeyb galay iyo shirkaddaha duulimaadyadu waxay kaga wada hadleen sidii shirkaddaha duulimaadyadu u dardargelin lahaayeen kasoo kabashada COVID-19, iyo u adkaysiga dhibaatooyinka mustaqbalka imaan kara.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Raydka  ee xukuumada Soomaaliya oo uu wehliyo agaasimaha guud ee hay’adda duulista rayidka ah, Axmed Macalin Xasan, ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay, Adefunke Adeyem, oo ah haweeneyda xoghayaha guud ee guddiga duulista hawada Afrika (Africa Civil Aviation Commission (AFCAC).

Waxay kawada hadleen sidii loo horumarin lahaa nabad galyada duulimaadyada rayidka ah ee Soomaaliya. Wasiirka waxay sidoo kale la kulantay haweenayda madaxda ka ah shirkadda duulimaadyada ee Ruwanda Air, Yvonne Manzi Makolo.

Waxay ka wareysatay sidii lagu aas aasay iyo marxaladihii ay soo martay shirkadda Ruwanda Air, si dowladda Soomaaliya oo hadda ku howlan dib usoo celinta Somali Airline, ay uga faa’idaysto waayo aragnimada ay ka hesho mas’uuliyiinta Ruwanda Air.

Shirweynaha Duulimaadka Afrika iyo Bandhiga 2022 ayaa yimid ka dib markii masiibada COVID-19 ay si ba'an u saamaysay warshadaha duulista ee adduunka oo dhan, Afrikana safka hore ayay kaga jirtay, sida uu sheegay ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA).

Shirkadaha diyaaradaha ee Afrika ayaa lagu qiyaasaa inay lumiyeen ugu yaraan $8.6 bilyan dakhli sanadkii 2021, taasoo ka dhalatay xayiraadii adkayd ee COVID-19.

Ururka Duulimaadyada Afrika ayaa sheegay, khasaaraha soo gaadhay in lagu qiyaasay kala bar dakhligii ay shirkadaha diyaaraduhu soo xareeyeen sanadkii 2019-ka.

Si kastaba ha ahaatee, shirka xiga shirkaan ayaa lagu qabandoonaa magaalada Abuja ee dalka Nayjeeriya.