4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2022
Barlamaanka Galmudug oo madaxweyne Qoorqoor muddo kordhin u sameeyay
 

Talaado, September, 13, 2022 (HOL) - Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa muddo xileedka Madaxweynaha Galmudug ka dhigay 5 sano, oo ka bilaabaneysa markii la doortay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku biiraya madaxweynayaasha Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo min hal sano ku kororsaday muddo xilleedkooda, iyagoo u marayay mooshino la horgeeyay barlamaanadooda.

Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya ma aysan cadeynin mowqifkeeda ku aadan muddo korarsiga madaxweynayaasha dowlad goboleedyada sameeyeen.

Khilaaf ayaa hadda ka taagan muddo kororsiga dowlad goboleedyada, iyadoo siyaasiyiin iyo xildhibaanno kasoo jeeda maamuladaas ay dowladda federalka ku cadaadinayaan inay sharci darro ku tilmaamto waqti kororsiga madax-weynayaasha dowlad goboleedyada.

Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo maalintii shalay wada gaaray heshiis wada shaqayn ah lama oga inay si hoose ugu heshiiyeen xil kororsiga dowlad goboleedyada.

Dadka siyaasada fallanqeeya ayaa aamisan tallaabada dowlad goboleedyadu inay dariiqa usii xaari karayso in dowladda federalku iyaduna ay kororsato muddo xil haynta golayaasheeda dastuuriga ah.