4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2022
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay la wareegitaanka deegaanka Xawaadley
 

Sabti, October, 15, 2022 (HOL) - Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Xawaadley, iyaga oo sheegay inay ku dileen in ka badan 30 ka tirsan Alshabaab oo ay ku jiraan saddex horjooge.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Alshabaab la laayay ayagoo ku baxsanaya gaadiid ay xoog uga qaateen dadka shacabka ah, ka dib markii ciidamada dowladda ay jihooyin kala duwan ka galeen deegaankaan.

Wasaaradda warfaafinta waxay sidoo kale sheegtay in qaar kaloo katirsan Alshabaab lagu beegsaday ayagoo isku dayaya inay ciidamada wadooyinka u sii galiyaan qaraxyo.

Horjoogayaasha Alshabaab ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay deegaannada wabiga ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo kala ah: Maadeey Madoobe , Xamaali Kalombe, iyo Mukhtaar Gabigoor.

Deegaanka Xawaadlay oo qiyaastii 30km u jira magaalada Balcad ayaa ah marin muhiim ah oo ay Alshabaab isaga kala gudbi jireen gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellha Dhexe, iyo goob ay ka so maleegaan weerarada Muqdisho.