4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2022
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaanka Xawaadleey ee gobolka Sh/dhexe
 

Sabti, October, 15, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-shabaab.

Deegaanka Xawaadleey ayaa lasoo wariyay in Militariga Soomaaliya ay si nabad ah kula wareegeen kadib markii ay isaga baxeen halkaasi ciidankii Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Xawaadleey ayaa ah deegaan u dhaxeeya magaalooynka Balcad iyo Jowhar oo muhiim u ahaa isku socodka Shabaab ee gobolada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee dalka, halkaasi oo ay ku taala Buundo isku xirta gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayna Al-shabaab u isticmaali jireen marin ay wax walba ka gudbistaan.

Ciidanka qabsaday deegaanka Xawaadleey ayaa waxaa hogaaminaya Korneel lagu magacaabo Abuukar Boonoow oo katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasoo sheegay iney sii joogi doonaan deegaanka oo aysan dib uga laaban doonin.

Gabagabadii deegaankan laga qabsaday Al-shabaab ayaa noqon doona mid cuuryaaminaya isku socodkii Shabaab ee ku aadana gobolada Sh/dhexe iyo kuwa Koonfureed ee dalka.