4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 15, 2022
Amnesty International: Cabdalle Muumin waxaa loo haystaa oo kaliya inuu difaacay xuriyatul qowlka Soomaaliya
 

Sabti, October, 15, 2022 (HOL) - Hay’adda u doodda xuquuqul insaanka ee Amnest International ayaa cambaareysay xadhiga weriye Cabdalle Axmed Muumin, kaasoo kow iyo tobankii bishaan lagu xiray magaalada Muqdisho.

War-saxafadeed hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay, in Cabdalle Muumin loo xiray isagoo difaacaya xaqa xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, iyo in uu kor u qaaday walaaca uu ka qabo go'aannada dowladdu ku mamnuucday waxa ay ugu yeertay ‘faafinta fikirka xagjirnimada.

“Xariga hormuudka difaaca xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda saxaafadda, iyadoo lagu marmarsiyoonayo amniga qaranka waxay farriin u diraysaa saxafiyiinta, dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka iyo cid kasta oo ku dhiirrata inay diidmo kala hortimaado dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka Amnest.

Amnest waxay sheegtay in Cabdalle Axmed Muumin uusan jirin wax danbi ah oo uu galay, waxayna ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xoriyadiisa dib loogu soo celiyo.

10kii Oktoobar, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo afar urur oo kale oo u dooda saxaafadda Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan waxayna ka hadleen shir jaraa’id oo ay ku muujinayeen walaaca ku saabsan saameynta awaamiir dowladda kasoo baxay oo mamnuucaya faafinta wararka Alshabaab.