4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 14, 2022
Ugu yaraan 10 qof oo ku geeriyooday qarax miino oo haleelay gaari Hoomey ah oo marayay Xaawo Cabdi
 

Jimco, October, 14, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 10 ruux oo ay carruur ku jiraan ayaa ku naf waayay 16 kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabeellada hoose.

Qaraxaan ayaa haleelay gaari Hoomey ah oo qudaar siday oo ku wajahnaa Muqdisho, sida ay sheegeen ilo goob joogayaal ah.

Dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho iyo isbitaalka Ceelasha Biyaha, halkaas oo eheladooda ay ka baadi goobayaan  

Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye waa meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan qaraxyada ay la kulmaan gaadiidka dadweynaha.

Weli ma jirto cid sheegatay masuuliyadda Qaraxan, balse inta badan waddada Afgooye iyo Muqdisho waxaa ka dhaca qaraxyo Alshabaab ay ku beegsadaan gaadiidka ciidanka dowladda.