4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 14, 2022
Alshabaab oo xukun dil ah ku fulisay 6 qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo
 

Jimco, October, 14, 2022 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa fagaare kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ka geysatay xukun dil ah oo ay ku fulisay 6 nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Alshabaab ayaa sheegay inay dadkani basaasiin u ahaayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da loo yaqaan.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Alshabaab ay dilaan dad ku eedeeyeen basaasnimo. Waxayse arrintan kusoo aaday xilli dhawaan dowladda Maraykanku duqeymo ku dishay sarkaal sare oo katirsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir, ahaana madaxii Dacwada Alshabaab.

Maraykanka ayaa sarkaalkan oo uu wehlinayay wiil uu dhalay Xasan Daahir Aweys ku duqeeyay deegaanno katirsan degmada Saakow ee jubbada dhexe.

Alshabaab ayaa dhinaca kale bilaabay inay dadka ay ku helaan dambiyada basaasnimada ka duubaan muuqaal, iyagoo kusoo bandhigga barahooda internetka.

Halkaan ka aqriso magacyada dadka la dilay.

1:Xasan Maxamed Aadan oo loo yaqaanno (Mustaf), da'diisuna tahay 33 jir.

2: C/Qaadir Maxamed Sheekhey Cali oo loo yaqaanno (Buule), da'diisuna tahay 29 jir.

3: C/laahi C/raxmaan Ibraahim oo loo yaqaanno (Dalmar), da'diisuna tahay 27 jir.

4: Xasan Cali Xaaji C/raxmaan, da'diisuna tahay 43