4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 14, 2022
Dowladda Soomaaliya oo digniin xooggan u dirtay Nootaayooyinka la macaamila Alshabaab
 

Jimco, October, 14, 2022 (HOL) - Wasaaradda caddaaladda iyo dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin adag oo la xiriirta la macaamiilka Shabaab udirtay nootaayooyinka magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laamaha amnigu usoo gudbiyeen cabashooyin ay usoo gudbiyeen shacabka, kuwaas oo ka cabanaya in nootaayooyinka ay xogtooda u gudbiyaan Alshabaab.

Wasaaradda caddaaladda iyo dastuurka waxay sheegtay inay ruqsada kala laabanayso nootaayooyinka lagu helo inay Alshabaab la macaamilaan, iyadoo loo marayo sifo sharci ah.

Waxay ugu baaqday cid kaste oo xogtooda lala wadaago Alshabaab inay usoo gudbiyaan hay'adda qaabilsan, si tallaabo looga qaado cid kasta oo ku xad gudubta sharciga dalka.