4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2022
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo galabta soo gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya
 

Khamiis, October, 13, 2022 (HOL) - Ra’iisal Wasaaraha Somaaliya Xamse Cabdi bare iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga talada Itoobiya haya ee Barwaaqo Aadan Faarax, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo madax kale.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa safarkan ku weheliya wasiiru dawlayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wafdiga Ra'iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ee Itoobiya ku yimid ay tahay mid uu kaga qayb galayo Shirka caalamiga ah ee madasha Tana Forum oo ka furmaya gobolka Axmaarada ee Bahirdar.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaan wali ka hadlin Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ee galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa.