4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2022
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zurich- Switzerland


Khamiis, October, 13, 2022 (HOL) - Wafdi oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Ahmed Macalin Fiqi ayaa tagay magaalada Geneva, halkaasi oo uu uga qeyb galayo shirka sanadlaha ah ee arimaha barakacaayasha Gudaha oo ay soo qabanqaabiyaan Ha’adaha UNka.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Swtzerland kula kulmay magaaalada Zürich, isagoo uga xog-warramay xaaladda dalka gaar ahaan dagaalada ka socda Hiiraan, abaaraha iyo xasalinta dalka.

“Sharaf bay ii ahayd xalay in aan ka qeybgalo kulan is xog waraysi iyo martiqaad isugu jira oo ay ii sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Zürich iyo Guud ahaan dalka Switzerland,” ayuu yiri wasiir Axmed Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa ku ammaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Zürich isku duubnida, isku xirnaanta, iyo in ay Jecel yihiin dawladda Soomaaliya inay ku guulaysato halganka dalka dib loogu xoraynayo.