4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2022
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shir looga hadlayay dhaqaalaha iyo Deyn Cafinta Soomaaliya
 

Khamiis, October, 13, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayay arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya, guulaha laga gaaray dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda iyo dadaalada dowladda ee dhamaystirka deyn-cafinta oo lagu qabtay magaalada Washington.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirka hadal ka jeediyay, ayaa ka warbixiyay dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumar laga sameeyay nidaamka Maamulka guud ee maaliyadda ee ( PFM).

Wasiirka ayaa xusay heerka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaarsiiisay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay dhamaystirka dayn cafinta iyo sidoo kale xoojinta qorshaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda.

" Waxa aan maanta hadal ka jeediyay shir muhiim ah oo aan kala qeybaglay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee UK, Hoggaanka IMF, Bangiga Adduunka iyo Hey'addaha deymaha waa wayn Soomaaliya ku leh intii lagu gudajiray shirka wayn ee HIPC ee Dhaqaalaha iyo Deyn Cafinta Soomaaliya looga hadlayay. Waxa aan wadaagay heerka aan joogno dib-u-habeynta dhaqaale iyo hannaanka Maaliyadda, bartilmaameedyada wanaagsan iyo baahiyaha iskaashi ee aan u baahanay'', ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr.  Cilmi.

Waxaa shirkaan muhiimka ah ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria  Kwakwa, Wasiirka Horumarinta Calaamiga ah ee UK, Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo xubno sarsare oo ka tirsan Hey'addaha dhaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo (IFIs).

Dowladdaha iyo hay'adaha dowladda federaalka Soomaaliya ka taageera Miisaaniyadda, horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda kale ee horumarineed ayaa  bogaadiyay doorka dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka Deyn Cafinta ee Wasaaradda Maaliyadda hormuudka u tahay.

Waxa ay sidoo kale ballanqaadeen in ay si wadi doonaan taageerada iyo garab istaagooda ku aadan arrimaha dib-u-habeynta iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.