4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2022
Madaxweyne Deni oo ku qanciyay ururada mucaaradka inay ka qeyb qaataan dardar galinta doorashooyinka qof iyo cod
 

Khamiis, October, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, ayaa ururada siyaasada la gaaray heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan in doorashada la dhaqaajiyo ayna ururada siyaasadu si buuxda uga qeyb galaan doorashooyinka soo socda ee dowladaha hoose.

Madaxweyne Deni ayaa ballanqaaday in urur kasta la siinayo lacag toban kun oo dollar ah, si  howlaha u diyaar garowga doorashooyinka ugu caawiso. Sidoo kale wuxuu sheegay in bil kasta urur kasta la siinayo $3,000.

Arrimaha lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa, in dood laga yeesho sida ugu fiican ee loo maarayn karo doorshooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee soo socda iyo dariiqa ugu habboon ee arrinkaas loo mari karo, si ugu yaraan loo ogaado arragtiyaha dadku ka qabaan.

Deni ayaa sheegay inuu si degdeg ah kusoo dhisayo maxkamadda sare iyo maxkamaddii dastuuriga ahayd, kuwaas oo laf-dhabar u ah doorashooyinka ururada siyaasada.

Dhinaca kale, urur lagu magacaabo Horseed oo uu guddoomiye ka yahay senator Cabdiraxmaan Faroole oo horey madaxweyne ugasoo noqday Puntland, ayaa ka horyimid is-afgaradka labada dhinac. Wuxuu sheegay in Puntland aysan joogin waqti haatan lagu qaban karo doorasho qof iyo cod. Iyagoo sheegay inaysan kalsooni ku qabin maamulka  iyo guddiga doorashada.