4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 13, 2022
Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo ka hadashay xariga Cabdalle Muumin iyo sababta loo xiray
 

Khamiis, October, 13, 2022 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay warbixin kasoo saartay xarriga Cabdalle Axmed Muumin oo ah guddoomiyaha mid kamid ah ururada saxaafadda Soomaaliya.

Cabdalle Muumin ayaa dhawaan la xiray kadib markii uu saxaafadda ka cambaareeyay, sharci darrana ku tilmaamay go’aan dowladdu ku diiday inay saxaafadda faafiso wararka Alshabaab.

Wasaaradda warfaafuinta ayaa sheegtay in xariga Cabdalle Axmed Muumin uusan wax shaqo ah ku lahayn arrimo ku saabsan shaqadiisa saxaafadeed.

Wasaaradda waxay sheegtay markii ay dabagal ku sameysay xarigiisa inay ogaatay inuu gacanta ugu jiro hay’adda dambi baarista ciidanka, loona haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.

Mas'uuliyiinta wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay inay ka dalbadeen xafiiska xeer Ilaalinta in haddii saxafiga loo haysto falal ka baxsan xirfadadiisa si degdeg cadaaladda loo horkeeno, lana marsiiyo habraacyada sharciga dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadayso cid kasta oo isku dayda inay faafisa wararka Alshabaab, waxayna farriintaas si toos ah ugu dirtay saxaafadda.