4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2022
Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo 20 katirsan Al Shabaab ku dilay deegaanka Yasooman
 

Arbaco, October, 12, 2022 (HOL) - Ciidanka militariga dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa 20 tirsan dagaalamaayaasha Alshabaab ku dilay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.

Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka, siina hayay xogta abaabulka Alshabab ayaa ka hortagay weerarka Alshabaab kusoo qaadeen, iyagoo sheegay inay jab xooggan u geysteen.

Saddex askari oo katirsan ciiddanka dowladda ayaa ku geeriyooday weerarkan, halka kooxdii Alshabaab ee weerarka soo qaaday ay ka carareen meydad badan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda warfaafinta.

Wasaaradda warfaafintu waxay sheegtay in ciidanka oo ku daba jira firxadka Alshabaab ay gaareen deegaanadii ay iska soo abaabuleen oo Yasooman u jira 20km waxaana ay ka wadaan hawlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Ciidamada dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka waxay sheegeen inay ka ka go’antahay ciribtirka Al-shabaab, iyagoo tilmaamay in dhammaan lagu jabiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan.