4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2022
Madaxweynaha Uganda oo sheegay inuu qalab milatari u soo dirayo Soomaaliya si wax looga qabto Amniga
 

Arbaco, October, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa u xaqiijiyay madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalkaas inay dowladdiisu siin doonto qalab dheeri ah si loo xalliyo caqabadaha amni ee ka jira.

Yoweri Museveni ayaa ayaa hadalkan ka sheegay aqalka madaxtooyada ee Entebbe, oo uu ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa.

“Waxaan ku siin doonaa qalab dheeraad ah si aad wax uga qabato xaaladda amniga. Waxaa gobolku ka shaqayn karaa bixinta qalab. Waa in aad leedahay qorshe aad ku dhiseyso ciidan qaran. Shacabku waa inay dhistaan ciidankooda si ay isu difaacaan,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Uganda ciidamadeeda ku jira ATMIS, isagoo xusay inay kaalin weyn ka qaateen sugidda ammaanka.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamada Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaareen kor u qaadista amniga, isagoo intaa ku daray in bulshada ay la shaqeeyaan ciidamada.

Waxa uu rajo ka muujiyay in lixda bilood ee soo socota ay xukuumaddiisu guul ka gaadhi doonto dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabab.