4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 12, 2022
Cabdiraxmaan Cabdishakauur: Waa nasiib darro in dad siyaasiyiin fashilinayaan halganka dalka looga xoreynayo Alshabaab
 

Arbaco, October, 12, 2022 (HOL) - Ergayga gurmadka abaaraha Soomaaliya, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa nasiib darro ku tilmaamay inay jiraan dad fashilinaya howlgallada dalka looga xoraynayo Alshabaab, isagoo sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay.

" Waxaa ayaan darro ah annagoo Soomaali ah ama qaar naga mid ah ay doonayaan inuuu mishinkaas fashilmo. Waxaad moodaa inaan dhexdeenna ka raadinayno political scoring," ayuu yiri ergaygu.

Cabdirashiid Cabdishakuur wuxuu sheegay in dowladdda Soomaaliya iyo beesha caalamka ay daacad ka yahiin dagaalka Alshabaab, laakiin wuxuu sheegay wax la aqbali karo in aysan ahayn in la suurad xumeeyo howlgalka islamarkaana loo yeelo wajiyo kale, si Alshabaab aan dalka looga xorayn.

Wuxuu sheegay Soomaaliya inay maanta haysato fursad qaaliya oo ay shacabkeedu diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dagaaalka. Wuxuu sheegay in Alshabaab dagaalkooda oo loo adeegsado hab qabiil inay tahay arrin sax ah oo bogaadin mudan.

"Dadkan Soomaaliyeed markastoo isku dayaan inay argigixisada iska qaaadaan waa la gabaayay. Dowladahaa gabaayay. Laakiin, maanta dowladdiiyaa diyaar ah oo safka hore joogta, " ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiishakuur.

Hadalka ergayga abaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aaday iyadoo la sheegayo inuu khilaaf ka dhex bilowday saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaaminaya ciidamada ku sugan Cadale ee loogu talo galay inay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhan ah Alshabaab.