4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2022
Madaxweyne Mustafe cagjar oo ka hadlay Imtixaanka fasalka 12aad ee lagu galayo Jaamacadaha dalka Itoobiya
 

Talaado, October, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay waxa uu kaga hadlay xaaladda Waxbarasho ee degaanka, iyo sida guulo la taaban karo looga gaaray dhinaca qaadista Imtixaanaadka dugsiyada gaar ahaan dugsiga sare iyo fasalka 12aad oo wakhti xaadirkan Imtixaanka ku galaya Jaamacadaha.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka hadlay dhibaatada uu leeyahay Qishku, iyo siduu hadda ka hor iyo xilligii maamulladii hore ee degaanka Soomaalidu uu qishku aad ugu badnaa degaanka Soomaalidu, isagoo yiri "Dhibaatooyinkii la gaadhsiiyay shacabkeena tobankii sano ee u dambaysay ee nidaamkii hore waxaa ugu daran jiilka lumay (lost generation) ee aqoon iyo akhlaaq ahaan hagaasay.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri Madaxweynuhu " Ummad burburkeed wuxuu ka biloowdaa burburka nidaamkeeda waxbarasho. Waa ta keentay in arday waalid ku tabcayay habeen iyo maalin si uu aqoon u kororsado inuu xuquuq u arko inuu imtixaanka qish ku baaso".

Madaxweynaha ayaa mar uu si dadban uga hadlay rabshado ka dhacay Jaamacadda Jigjiga xilli lagu jiray imtixaanka fasalka 12aad waxa uu yiri " Intii la go’aamiyay in itixaanaadka dugsiyadda sare lagu qaado Jaamacadda, waxaa dalka guud ahaan soo baxaya dhacdooyin lala yaabo oo salka ku haya arday ama aan dadaalin ama damiimin ah oo raba inay carqaladeeyan nidaamka imtixaanka si ay ceebtooda ugu qariyaan". hadalkaas oo u muuqday mid jawaab cad u ah dhacdadaas maalinta dhaweyd ka dhacday Jaamacadda Jigjiga.

Madaxweynaha ayaa si guud ula dardaarmay ardayda fasalka 12aad ee maalmahan imtixaanku uga socdo Jaamacadaha dalka Itoobiya, " Waxaan aad u bogaadinayaa ardayda aqlabiyadda ah ee kalsoonida iyo anshaxa ku qaadanaysa itixaanaadka si ay u helaan midhaha dadaalkooda".

Ugu dambeyn Madaxweyne Mustafe cagjar ayaa si guud ula hadlay cid kasta oo jecel wanaagga iyo hormarka umadda, gaar ahaan Waalidiinta isagoo kala hadlay inay hal dhinac uga soo wada jeestaan Qishka, oo uu sheegay inuu luminayo mustaqbalkii umadda, "Waxaan farayaa waalidiinta iyo inta danaynaysa horumarka ummaddan inay cambaareeyaan dhaqanka miidaan-qariska ah ee qishka oo hadii aan si cad loo hor istaagin galaafan doona jiilka maanta sida uu u galaaftay jiilkii inaga lumay oo ah kan maanta shahaadooyinka faraha badan wata balse cilmi iyo karti uu ku soo kordhiyo ummadiisa aan hayn".

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo hagaagaya xilli uu socdo Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad oo markii u horreeyay lagu galayo Jaamacadaha dalka Itoobiya, waxaana lasoo sheegayaa in Jaamacadda Jigjiga oo kamid ah Jaamacadaha Imtixaanka lagu galayo ay maalin dhawayd ka dhaceen Rabshado lagu dhaawacay qaar  kamid ah ardayda galaysay Imtixaanka.