4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2022
Buulaburte: Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda oo Maanta u tagay dhiira galinta ciidanka xureynta iyo kuwa dowlada


Talaado, October, 11, 2022 (HOL) - Wafdi isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay hoggaamineysay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiyo Salaad Samatar ayaa Maanta gaaray magaalada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Xubnaha wafdiga ee ka socday dowladda Soomaaliya oo ku labisna dharka tuutaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa garoonka diyaaradaha degmada Buulaburte waxaa kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo horay u joogay degmada, Saraakiil Ciidan, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Buulaburte.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Salaad Samatar oo la hadashay shacabka iyo masuuliyiin kusoo dhaweeyay degmada ayaa sheegtay in ujeedka Buulaburte u tagtay ay tahay dhiiragalinta ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa xoogga dalka ee dagaalada culus kula jira Shabaab.

"Waligeey Hiiraan ma imaniin kaliya magac un ba ka maqli jiray waxan u imid Buuloburte inaan garabkina tagnaddo, waayo reer Buulaburte waxay ahayeen dadka ugu badnaa aan codadka ka helay xiligi doorashada waana inaan codkooda ku matala oo an u mahadceliyo, Hiiraan waxaa ka dhashay ragga Soomaaliya ugu geesisan, waxaan ugu baqaya gabdhaha reer Hiiraan ee qurbaha jira iney soo garab istaagan ciidankooda oo garab u noqdaan" ayay tiri guddoomiye Sacdiyo Samatar.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo qeyb ka ahaa wafdiga Maanta gaaray Buulaburte ayaa si weyn amaan iyo bogaadin ugu jeediyay ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda oo uu sheegay iney qabteen waxyaabo badan oo sabab u ah in loo yimaado.

"Dagaalka Hiiraan wuu soconaa Dowladda Dhaxe waxaad uga baahataanna Anagaa idiinka keeneyno, waxaad tusteen shacabka Soomaaliyeed in Al-shabaab lala dagaalami karo, waxaad mudateen in la idin soo booqdo oo la idin garab istaago" ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Booqashada wafdigaan Wasiiradda iyo Xildhibaanada isugu jira ay Maanta ku tageen Buulaburte ayaa imaaneysa xili shalay ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta soo afjareen dagaal qaatay mudo ku dhaw 12 saacadood oo xiriir ahaa oo ay shabaab kula galeen deegaanka Jiciboow oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan, kaasoo guulo la taaban karo ka sheegatay dowladda Soomaaliya.