4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2022
Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta SJS oo goordhaw lagu xiray magaalada Muqdisho
 

Talaado, October, 11, 2022 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goordhaw ay xirtay dowladda Soomaaliya Cabdalla Muumin oo ah Xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabiyo SJS.

Xoghaye Cabdalla Muumin ayaa la sheegay in ciidanka dowladda ay ka qabteen gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xili uu ku sii jeeday magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaana la tilmaamay iney garoonka ka ka xeysteen  ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo ilaa hadda aanan la ogeyn halka ay geeyeen wariyaha.

Suxufi Cabdalla Muumin ayaa ka mid ah suxufiyiinta u dooda xaquuqda wariyeyaasha Soomaaliyeed, waxaana wararka kasoo baxaya xarigiisa ay sheegayaan in loo badinayo in loo heysto shirkii Jaraa’id ee maalin ka hor uu qabtay ee uu kaga soo horjeestay amarkii dowladda Soomaaliya ay warbaahinta uga mamnuucday baahinta wararka la xariira Al-shabaab.

Xariga wariyahaan ayaa imaanaya xili galinkii hore ee Maanta uu baraha bulshada ku sii daayay muuqaalka sarkaal ka tirsan ciidanka Nisa iyo askar uu watay oo gudaha u galay xarunta ururka uu ku leeyahay nawaaxiga Koontrolka laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Sayidka.