4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2022
Guddoomiyahii degmada Qoryooleey oo qarax miino lagu dilay
 

Talaado, October, 11, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooleey ee gobolka sh/hoose ayaa sheegaya in qarax miino goordhaw lagu dilay guddoomiyahii degmadaasi Siid Cali Ibraahin Xasan.

Qaraxa miino oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa guddoomiyaha lagula eegtay gaarigiisa gudaha degmadaasi, waxaana la geeriyooday mid ka mid ilaaladiisa sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Qoryooleey.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Qoryooleey ayaa si deg deg u tegay goobta uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo meesha ka qaaday meydka guddoomiyaha iyo askariga ka mid ka ahaa ilaaladiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska, ehelada, iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee geeridda gudoomiyihii degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan oo goordhaw ku geeriyooday Qarax Miino oo lagula beegsaday gudaha degmada Qoryooleey.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in Al-shabaab mar waliba ay bartilmaameed u yihiin Haldoorada u adeegaya Bulshada iyo Qaranka Soomaaliyeed, isagoona xusay in Marxuumka uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, laguna Xasuusto doorkii uu ku lahaa Nabadaynta Bulshada degmada Qoryooley iyo sida uga go’nayd inuu u adeego Shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan Alle ha u naxariistee marxuum Siid Cali Ibraahim Xasan Qaraabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku Timid Marxuumka" ayuu yiri madaxweyne Laftagareen

Al-shabaab ayaa qaraxyada miinada si toos ah ula beegaata masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxaana dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ay aheyd markii Al-shabaab sidaan oo kale qarax miino ay ku dileen Taliyahii guud ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, xili uu ka qeyb qaadanaayay dagaalo ka dhan ahaa Shabaab oo ka socday deegaanka Basra ee gobolka Sh/dhexe.