4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2022
22 Soomaali ah oo ku geeriyooday dooni kula dagtay xeebaha dalka Greece
 

Talaado, October, 11, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 22 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen xeebaha dalka Greece kadib markii ay qalibmatay doon ay la socdeen oo Turkiga kasoo raaceen.

Sida uu sheegay qof kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Greece, oo u warramay BBC Soomaali ah, ayaa sheegay in 20 kamid ah dadka geeriyooday ay yihiin dumar, halka labo kalena rag yihiin. Wuxuu sheeegay inay doontu rogmatay markii ay xeebta soo gartay.

Wuxu sheegay in 15 kale rag ah ay ka badbaadeen doonta, kadib markii ay ka boodeen, iyagoona dabaal uga gudbay dhinaca xeebta.

Wuxuu kaloo sheegay dumarka geeriyooday inay isu buurteen hal dhinac, taasoo keentay inay doonto rogmato, mana helin wax badbaadin ah.

Maydadka dadkan weli lama aasin. Eheladooda oo Turkiga iyo Soomaaliya kala jooga ayaa lagu wargaliyay macluumaadkooda geeridooda.

Bishii March ee sannadkan ayay ahayd markii dhallinyaro Soomaali ah oo ka baxay dalka Turkiga oo tahriibayaal ah ay ku geeriyoodeen Jasiiradda Lespos ee dalka Greece.

Soomaali badan ayaa sannad kaste nolashooda ku waaya iyagoo doonaya inay safar tahriib ah ku galaan Yurub.