4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2022
UK oo sheegtay inay $50 million ku bixinayso gargaarka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen

Talaado, October, 11, 2022 (HOL) - Dowladda UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya oo ku jirta dagaal ka dhanka ah kooxda Alshabab.

Xoghayaha arimaha dibada UK, James Cleverly ayaa sheegay inay UK sanadkan bixineyso in ka badan £50m oo gargaar ah si dadka Soomaaliyeed ee aadka ugu baahan ay uga taageeraan cunto, biyo & daryeel caafimaad.

Ku dhawaaqista taageerada UK ayaa kusoo beegantay maalmo kadib markii ergayga abaaraha Soomaaliya Cabdiraxmaan C/shakuur oo wareysi siiyay wargayska The Guardian uu sheegay in aad looga xumaado in beesha caalamka oo UK ay qeyb ka tahay ay iska indha tireen ka jawaabidda abaaraha iyo macluusha ka jira dalalka saboolka.

Cabdiraxmaan Cabdiskaur wuxuuu sheegay beesha caalamka inay iska ilowday ballan qaadkii muddada dheeraa ee ahaa in dalalka faqiirka ah ay helaan lacag dhan £87.5bn si loo yareeyo abaaraha

“UK waxay lumisay kaalintii hoggaamineed ee ay ku lahayd caalamka, "sidaasi waxaa sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.”