4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 11, 2022
TPLF oo shacabka gobolka Tigray ugu baaqday inay qoriga qaataan
 

Talaado, October, 11, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta dawladda Itoobiya ayaa warbixin ay soo saareen waxay dadka u dhashay gobolka Tigray ugu baaqeen inay u soo baxaan safka hore ee dagaalka oo ay qoriga qaataan si ay iskaga difaacaan ciidamada soo duulay ee Itoobiya iyo Eritariya, waa siday hadalka u dhigeen kooxda TPLF.

Sidoo kale kooxda TPLF ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya iyo Eritariya in ay duqaymo joogto ah ka wadaan goobaha ay deggan yihiin dadka rayidka ah, iyagoo ka dhigaya inay duqeynayaan fadhiisimaha TPLF.

Baaqan ay kooxda TPLF soo saartay ayaa kusoo hagaagaya iyadoo dib u dhac uu ku yimid wadahadalladii nabadeed ee ay soo qabanqaabiyeen Midowga Afrika, kuwaas oo lagu waday in toddobaadkan madaxiisa ay ka furmaan dalka Koonfur Afrika.

Dowladda Itoobiya iyo kooxda maamusha gobolka Tigray ee TPLF ayaa labadooduba waxay imbadan ku celceliyeen inay mar walba wadahadal nabadeed diyaar u yihiin, balse waxaa marba marka xiga sii xoogaysanaya dagaalka iyo duqaymaha ka socda gobolka Tigray.

Dagaalkan dambe ayaa billowday bishii sideedaad ee sannadkan, kaddib muddo aan badnayn oo xabbad joojin ay sameeyeen labada dhinac, iyadoo billowgii dagaalkana uu midba kan kale ku eedeeyay inuu xabadda isagu hor billaabay.

Dowladda Itoobiya iyo Eritariya ayaan wali ka hadlin eedaymahan dambe ee ay TPLF ku eedaynayso inay duqaymo joogto ah iyo weeraro ay ka wadaan dowladda Itoobiya iyo Ereteriya gobolka Tigray.