4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2022
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin hubeysan oo Maanta weerar ka geystay suuqa Bakaaraha
 

Isniin, October, 10, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya nin hubeysan oo Maanta rasaas ku furay dad shacab ah oo ka dukaameysanaayay Suuqa ganacsiga ugu weyn Soomaaliya ee loo yaqaano Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan hubeysan ayaa rasaasta ku furay goob ganacsi ay ku sugnayeen dad shacab ah ayaa la sheegay in dadkii halkaasi joogay ay bursadeen, iyadoo markii dambana ay gacanta ku dhigeen ciidanka Nabadasugidda ee ka howlgala degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Taliska Booliiska degmada Howlwadaag Najiib Carab ayaa warbaahinta u sheegay in ninkaan hubeysan loo maleynayo inuu ka mid yahay kooxda Daacish oo hadda ka hor isku dayday iney xiraan goobtan Maanta la rasaaseeyay, hayesshee ciidamada amniga ay ka hortageen arinkaasi, islamarkaana haatan ay baaritaano dheeraad ah ku hayaan dhacdadaan.

Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo kan Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho waxaa tiro dhowr jeer oo hore loo xiray amaro kala duwan oo kasoo baxay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab, kuwaas oo salka ku haayay arrimo la xariira bixinta Canshuuro lagu soo rogay qaar ka mid ganacsatada goobaha ganacsi ku leh suuqyadaasi.