4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2022
Ururada saxaafadda Soomaaliya oo walaac xooggan ka muujiyay awaamiirta dowladdu kusoo rogtay warbaahinta
 

Isniin, October, 10, 2022 (HOL) - Ururada saxaafadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay go’aan dowladda Soomaaliya kasoo baxay oo warbaahinta looga mamnuucay inay tebiyaan ama faafiyaan macluumaadka Alshabaab.

Cabdalle Axmed Muumin oo katirsan madaxda ururada saxaaafadda oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ku eedeeyay dowladda inay qaadday tallaabooyin halis ku ah madax bannaanida saxaafadda iyo xuquuqda dadweynuhu u leeyihiin inay xogta helaan.

Cabdalle Muumin wuxuu sheegay sabtidii lasoo dhaafay inay dowladdu ku cadaadisay warbaahinta madaxa bannaan inay ka saaraan war kasoo baxay Alshabaab oo looga jawaabayay go’aankii dowladdu ku mamnuucday faafinta wararka Alshabaab.

“Dhowr weriye ayaa nala soo xiriiray oo noo sheegay inay awooddi waayeen xogtii ay hayeen inay la wadaagaan bulshada, cabsi ay ka qabaan dowladda inay ka aargudato darteed,” ayuu yidhi Muumin.

Wuxuu sheegay go’aanka dowladda inuu cabsi iyo amni darro ku keenay weriyayaasha, isagoo xusay in Alshabaabna ay soo saaareen hanjabaad ka dhan ah saxaafadda iyo hay’adaha kale ee u hoggaansama awaamiirta dowladda Soomaaliya kasoo baxay.

Ugu dambayn Cabdalle Muumin wuxuu ugu baaqay dowladda in la ilaaliyo oo aan la xaddidin xuquuqda saxaafadda, islamarkaana dowladdu dib u eegto sharciga saxaafadda Soomaaliya si talooyin loogu daro.