4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 10, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ku boorisay qurba-joogta inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab
 

Isniin, October, 10, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Soomaalida Qurba-joogta ah in ay gacan ka geystaan dadaallada dowladda ay ugu jirto sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Wasiirka duulista ee Soomaaliya, Fardawso Cismaan Cigaal, ayaa la kulantay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Montreal, Ottawa iyo Toronto Canada.

“Waa inaad ka qayb qaadataan halganka degdega ah ee socda ee dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab," ayay tiri wasiirka duulista Soomaaliya.

Wasiirka waxay bulshada kula dardaarmay inay sidoo kale gacan ka geystaan dadaallada ay dowladdu ku caawinayso dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo isbedelka cimilada.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.