5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2022
Jigjiga : Askarigii dilay Xildhibaanad Juweeriya Subcis oo maanta Maxkamaddu dil toogasho ah ku xukuntay
 

Isniin, December, 12, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta Maxkamadda Jigjiga ay dil toogasho ah ku xukuntay Askarigii booliska ahaa ee loo haystay dilkii xildhibaanad Juweyriya Subcis.

Askarigan ayaa muddo Maxkamadda aan la keenin iyadoo dadkuna ay ka war sugayeen xilliga Maxkamadda la keeni doono ee sharciga la waafajin doono, balse kama dambays maanta ayaa askarigii dilka gaystay lagu xukumay dil toogasho, iyadoo Maxkamadda gobolka Faafaan ay xukunkiisa u cuskatay xeerka ciqaabta ee dalka Itoobiya.

Askarigan maanta dilka lagu xukumay ayaa horey uga tirsanaa Ciidamada Boolis Fadaralka Itoobiya, kuwaas oo ku qornaa ilaalada garoonka diyaaradaha ee Jigjiga, isagoo bishii October dhammaadkeedii rasaas ku furay gabadh xildhibaanad ahayd oo ku sugnayd wakhtigaa gudaha garoonka diyaaradaha ee Jigjiga, laguna magacaabi jiray Juweeriya Subcis.

Dadka degaanka ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka ah ee Maxkamaddu ku xukuntay Askarigii hadda ka hor toogtay xildhibaanad Juweeriya Subcis.

Dalka Itoobiya ayaa inta badan xukunnada dilka ah ee ay Maxkamaduhu xukumaan aan inta badan la fulin, iyadoo badanaa dadkaas dilka lagu xukumo loogu baddalo xabsi daa'im.

Sida ku qoran Dastuurka dalka Itoobiya xukunka dilka ah waxaa uu fuli karaa marka Madaxweynaha Itoobiya uu saxiixo dilka qofka ay Maxkamaduhu dilka ku xukumaan.