5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2022
Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo Maanta la wareegay deegaanka Alkowsar

Isniin, December, 12, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa duhurnimadii Maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Alkowsar oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Alkowsar ayaa qiyaas ahaan degmada Aadan Yabaal u jira ilaa 18 KM, waxaana taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta qaranka uu sheegay in ciidanka dowlada si buuxda ula wareegeen deegaanka Alkowsar oo uu tilmaamay in Al-shabaabkii ku sugnaa ay isaga carareen deegaanka, isagoona xusay in looga  daba tagayo goobaha ay u carareen.

Taliye Odawaa Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in deegaanka Alkowsar ay ku sugnayeen Al-shabaabkii dhawaan laga saaray degmada Aadan Yabaal, kuwaas oo uu tilmaamay iney isku aruursanayeen deegaankaas.

Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo Al-shabaab uga mid aheyd talisyadooda ugu waa weyn ee Koonfurta Soomaaliya.