5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2022
Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo maanta furtay qandaraaska iibka raashinka iyo shidaalka dowladda
 

Isniin, December, 12, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa daah-furay tartanka Iibka Qandaraasyada ee keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay hay'adaha amniga ee dalka.

Sida uu wasiirku sheegay, daahfurkan ayaa looga golleeyahay horumarinta hannaanka Iibka Qandaraasyada Dowladda si ay dadweynaha Soomaaliyeed u wada gaarto Qandaraasyada Dowladda.

Dr.  Cilmi Maxamuud Nuur , Wasiirka maaliyadda ayaa tilmaamay inay arrintaan muujinayso xoojinta iyo kor u qaadidda hannnaanka daah-furnaanta Qandaraasyada dowladda iyo isla xisaabtanka taasi oo muhiim ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

"Waxa aan maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee  Soomaaliya, Si kor loogu qaado daahfurnaanta qandaraasyada Dowladda, waxaa dhawaan  hab casri ah loo sameeyay Portalka Iibka Qaranka Soomaaliya (Somali Public Procurement Portal) kaasi oo aan dhawaan daahfuri doono,” ayuu yiri wasiirku.

Sida ay wasaaradda maaliyaddu sheegtay, waa sanadkii saddexaad oo tartan furan loo galo iibka Qandaraasyada dowladda ee ku saabsan sahayda keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.