5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2022
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Maanta dib ula wareegay deegaanka Goofgaduud buureey
 

Isniin, December, 12, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta dib ula wareegay deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa barqanimadii Maanta si nabdoon kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Goofgaduud buureey, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidankii Shabaab ee ku sugnaa maalmahii lasoo dhaafay.

Bilowgii bishaan Decembar ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab ay deegaankaasi kula wareegeen dagaal halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo halkaasi fariisimo ku lahaa.

Ciidamada dowladda ee Maanta gudaha u galay deegaanka Goofgaduud buureey ayaa halkaasi ka wada haatan howlgalo guri guri ah oo ay sheegeen iney ku xaqiijinayaan amaanka deegaankaasi oo ka mid ah deegaanada laga ilaaliyo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.