5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2022
Golaha musharraxiinta Koonfur Galbeed oo uga digay ciidamada ATMIS inay ku dhex milmaan siyaasada
 

Isniin, December, 12, 2022 (HOL) - Midowga musharraxiinta madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa ciidamada midowga Afrika ee ATMIS ugu baaqay in aysan ku milmin arrimaha siyaasada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay golahan kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayay ciidamada ATAMIS uga digeen wax kaste oo keeni kara qalalaase siyaasadeed.

Waxay sidoo kale baaq u direen saraakiisha amniga dowlad goboleedka Koonfur galbeed, iyagoo ugu baaqay inay dhex dhexaad ka ahaadaan arrimaha siyaasada iyo doorashada.

Midowga Musharraxiintu waxay soo dhoweeyeen dadaalada dib u heshiisiinta ee uu garwadeenka ka yahay guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Madoobe.

Waxay si adag u dalbadeen in lasii daayo dadka u xiran arrimaha siyaasadda.

Madaxweynaha Koonfir Galbeed ayaa saaxiib dhow la ah ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Ethoipia, waxaana horey loogu eedeeyay inuu u adeegsanayo in lagu caburiyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga.

19-ka December waxay ku beegan tahay 4 sano kaddib doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen.

Doorashadaas waxay ahayd mid horseeday qalalaase uu dhiig badan ku daatay, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay xirtay Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharraxiinta.

Haatan, musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa ka digay in Koonfur Galbeed lugaha la gasho qalalase ka dhasha haddii uu madaxweyne Lafta Gareen ku adkaysato muddo kororsi hal sano oo uu barlamaanka maamulkiisa u sameeyay.