5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2022
Booliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay In ka badan 50 kamid ah kooxo burcad ah oo ku eedeysan dhac iyo maandooriye
 

Isniin, December, 12, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 50 dhallinyaro, kuwaas oo ku eedeysan dhac iyo isticmaalka Maandooriyaha, kadib howglallo ciidamada amnigu ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka ciidanka Booliiska, Saddiiq Doodishe ayaa warbaahinta u sheegay in kooxahan lasoo qabtay ay wateen bistoolado iyo baangado ay dadka ku dhibaatayn jireen.

Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay inay dhibaato ku ahaayeen amniga gobolka Banaadir. Wuxuu caddeeyay inay hay’adaha amniga ku wareejiyeen oo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadidoono.

Soo qabashada kooxahan ayaa kusoo aaday, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay aad usoo kordhayeen burcadda hubaysan, kuwaas oo geysta falal lid ku ah amniga magaalada Mqudisho.