5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 11, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay xiliga ay diwaangalinta doorashooyinku bilaabmayso
 

Axad, December, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhawaaqay in diwaangalinta codbixiyeyaasha doorashooyinka soo socdaa ay bilaabmi doonto 28 bishan.

War-saxafadeed lagu baahiyay boga Facebook ee Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi go'aamiyay  in diwaangalintu bilaabato 28 bishan.

"Waxaan Go’aamiyey in diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinku ka-bilaabanto dalka Jamhuuriyadda Somaliland maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda, oo uu madaxweynuhu ku saxeexanyahay.

Diwaangalinta oo ay ahayd in ay bilaabanto badhtamihii sannadkan ayaa dib u dhacday kadib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay xukuumada iyo mucaaradka, khilaafka ayaan wali la xalin oo ka dhex taagan dhinacyada siyaasada.

Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa hore u sheegtay in ay doorashada madaxtooyada ku qaban doonaan muddo 9 bilood ah, dhinaca kalena, madaxtooyada ayaa sheegtay in  doorashada madaxtooyada iyo ururadaba lagu qaban doono mudada guddidu soo jeedisay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]