5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 11, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar
 

Axad, December, 11, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Maanta ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maareeeye ku xigeenkii garoonka diyaaradaha magalaada Jowhar Mahad Muxidiin Calasow iyo askari ka tirsan ciidan Booliiska ee ka howlgala garoonka ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen qaraxa miino ee barqanimadii Maanta lagula eegtay wadada gasha garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Maareeyaha garoonka Jowhar Mukhtaar Abuukar Macalin.

Allah u naxariiste Mahad Muxidiin Calasow ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo caan ka ahaa magaalada Jowhar, waxuuna goordhaw u geeriyooday dhaawac Maanta kasoo gaaray qarax miino ee haleelay gaarigii uu saarna.

Wararka waxay intaasi ku darayaan inuu dhaawac yahay taliyahii ciidamada Booliiska garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar Kabtan Muuse, waxaana masuuliyada qaraxaan khasaaraha geystay sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Wadada uu qaraxaaan Maanta ka dhacay waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo noocaan oo kale ah oo haleelay gaadiid ay saarnayeen dad shacab ah oo wadadaasi maraayay.