5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 11, 2022
Qarax khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar
 

Axad, December, 11, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhaw qarax miino oo khasaare geystay uu ka dhacay duuleedka magaaladaasi.

Qaraxaan oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Xaanshooley oo ka mid ah deegaanada hoostqga magaalada Jowhar ee xarunta Shabeellaha Dhexe.

Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxa miino afar ruux oo kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa dad shacab ah oo saarna gaari nooca Soomaalida u taqaan NOHO oo marayey wadada aada garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Wararka ay heshay Shabakadda HOL ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari ay saarnayeen maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Jowhar iyo taliyaha ciidanka Booliiska garoonka diyaaradaha.

Ciidamada amaanka degmada Jowhar oo gaaray goobta qaraxa ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday meydka marxuumka iyo dhaawacyada dadka shacabka ah ee qaraxa uu ku haleelay deegaanka Xaanshooley.

Kooxda Al-shabaab ayaa Inta badan sheegata masuuliyada weerarada noocaan oo kale ah, iyagoona wadooyinka muhiimka ah oo ay ku safraan ciidanka dowladda ka geysta weeraro isugu jira qaraxyo, kuwa gaadmo iyo toosba ah, waxaana horay sidaan oo kale wadada gasha garoonka Jowhar uga dhacay qaraxyo miino oo ay ku dhinteen dad u badan Shacab.