5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 11, 2022
Kenya oo aad u adkeysay ammaanka xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya si ay uga hortagto Al-Shabaab
 

Axad, December, 11, 2022 (HOL) - Boqolaal ka tirsan ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa maalihii ugu dambeeyay la geeynayay magaalooyinka ku teedsan xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka Kenya, Kenya ayaa isha ku haysa duulaanka dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si ay uga saarto deegaano ay horay uga qabsadeen.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in ay cabsi weyn ka qabaan qulqulka Shabaabka baxsanaya weerarrada ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Deegaanada ku teedsan xuduudka ayaa si weyn looga dareemayaa qulqulka ciidamada Kenya oo ka feejigaan kaga jira Alshabaab.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo ka hoos shaqeeya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.